Ururka EASTAD.Org waxuu dhisay Iskuulka Buurdhuubo

Degmada Buurdhuubo oo ka mid ah degmooyinka Gobolkaa Gedo oo ahayd meelaha ugu daran ee Gobolka xaga waxbarashada ka liitay ayaa haatan waxay degmadu u muuqanaysaa mid ka soo reynayso xaaladahii hore, kaddib markii mudo iminka laga joogo labo bilood uu u hawlgalay dhismaha Iskuulka iyo qalabka  waxbarasha Urur Samafal Wadani ah oo lagu magacaabo East African Development Organization (EASTADO) oo uu fadhigiisu yahay dalka Mareykanka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Magacii hore ee Gedo Education Development Organization (G.E.D.O.) ayaa waxaa lagu badalay East African Development Organization (EASTAD.)

Dhismaha Iskuulkan oo markii hore ahaa dersooyin aan wax roob ah celinaynin oo aan u ekayn goob wax lagu baran karo ayada oo kuraasta lagu fadhiisto iyo miisaska oo ahaa 15 xabo aanay u habeysneyn kuwa wax lagu baran karo. Ardeyda waxay kuraas ahaan ugu fadhiisan jireen dhagxaan, Biibab iyo dhulka ayaa haatan waxaa loo dhamaystitry dhismo ka kooban ilaa 3 qol iyo kuraas iyo Miisas ku filan 3 Qol.

Maamulaha Iskuulka Buurdhuubo Primary School Cabdi Xaaji Maxamed ayaa ku amaanay Ururka EASTADO talaabooyinka wanaagsan oo ay u qaadeen xaga waxbarashada Buurdhuubo, taasi oo uu sheegay in ay tahay mid aan marnaba la ilaawi karin iyo dadkii ay gacanta kaga heleen taabegilinta dhismaha Dugsigan iyo Qalabeyntiisa.

Maamulaha ayaa sheegay in Dugsiga la aas’aasey sanadkii1993-dii, ardeyduna waxay ku kala jiraan fasalada 1-aad ilaa 8-aad, tirada guud ee sanad dugsiyeedkani fadhida dugsiga ayuu sheegay inay gaarayaan 298 arday oo isugu jira 153 gabdhood iyo 145 wiilal, isagoo intaasina ku darey in weli is qorista ardeyduna ay socoto.

Dugsigu ma lahan ayuu yiri hadda Musqulo, maadama ardeydu ay badan tahay.  Waxaa sidoo kale ka maqan Iskuulka Gidaar wareeg ah iyo Xafiiskii Maamuulka iyo macalimiintu ay shaqadu ku wadi lahayeen, sidaas darted ayaan mar kale waxaan ku celinayaa ayuu yiri maamulahu codsi ku aadan in waxii la awoodo arimahaasi wax nalooga qabto, maadama hadda ay hirgashey howshii ugu muhiimsaneyd.

By Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo/Somaliya.

arday
arday3arday4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *