Muuqaalka ardayda Iskuulka Luuq

XAFLAD BALLAARAN OO LAGU MAAMUUSAYEY SANAD DUGSIYEEDKII 1AAD EE DUGSIGA HOOSE/DHEXE EE LUUQ OO MAANTA KA DHACDAY XARUNTA DUGSIGA LUUQ

By Cabdulahi Maxamed Xasan

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

LUUQ, Somalia – Waxaa saakay ka dhacday xarunta Dugsiga Hoose/ Dhexe ee degmada Luuq xaflad lagu maa muusayey sanad dugsiyeedkii 1-aad ee dugsiga Hoose/Dhexe ee degmada Luuq. Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen maamulka degmada iyo dadweyne farabadan oo isugu jira waalddiinta ardayda wax ka dhigata dugsiga, gudiyada waaliddiinta iyo waxbarashada ee dugsiga, aqoonyahano, wakiilo ka socday hay’adaha samafalka ee ku sugan degmada Luuq iyo dad kale oo farabadan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka dugsiga iyada oo ahayd mid si weyn looga dareemayey maanta degmada Luuq.

Xafladdan maanta lagu qabtay xarunta dugsiga Luuq ayaa ku soo beegantay sanad dugsiyeedkii dugsiga iyada oo ardadii ka qayb gashay imtixaanka sanad dugsiyeedka ahayd sida uu sheegay Mr C/laahi Maxamed Xasan oo ah maamulaha dugsiga 482 arday kuwaasi oo 185 ka mid ah ay gabdho ahaayeen halka 297-da kale ay wiilal ahaayeen. Tirada ardayda gudubtay sanad dugsiyeedkan oo ah kii 1-aad ayaa noqday 448 arday, kuwaasi oo ka gudbaya fasalladii ay ahaayeen sanadkan 2005-ka una gudbi doona heerarka ku xiga fasalladii ay ku jireen sanadkan, waxaana dhacay 34 arday.

Warbixn dheer oo ka hadlayso dugsiga kadib ayaa qaar ka mid ah waxgaradka degmada Luuq ee lagu cusumay xafladda ay hadallo qiiro leh oo ku aadan waxbarashada iyo muhiimada ay leedahay ka jeediyeen munaasabaddaas. Dadkii ka hadlay maanta xafladdaas ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Aaden C/laahi Xuseen (Aaden-gaab) oo hadallo muhiimadooda leh ka jeediyey xafladdan. Hadalladii uu ka yiri xafladda maanta Suldaanka ayaa waxaa ka mid ahaa “RUNTII WAXAA MAHAD ISKA LEH ALLE, BALSE MAHAD GAAR AH WAXAAN U JEEDINAYAA DADKII JUHDIGA WEYN KU BIXIYEY QORSHAHAN WAXBARASHADA DEGMADA LUUQ OO AY KA MID YIHIIN DHALINYARADA DIBADAHA JIRA EE KU ABTIRSADA DEEGAANKA GEDO AMA LUUQ, KUWAASI OO LA’AANTOOD AY WAX WEYN NOO SUURO GALEEN, BALSE MAANTA WAXAA REER LUUQ LOOGA FADHIYAA SIDII AY GACMAHA IYO ILKAHA ISUGU GEYN LAHAAYEEN FURSADDAN QAALIGA AH ISLA MARKAANA AY ISKU TASHI HOOSE U SAMAYN LAHAAYEEN AYUU HADALKIISII KU SOO KOOBAY SULDAANKA”.

Isku soo duuboo, waxaa maanta laga daalacan karay in badan oo ka soo qayb gashay xafladda in ay ku baraarugsanyihiin waqti xaadirkan muhiimmada ay leedahay aqoonta/waxbarashada, waxaa kaloo xafladda hadalo kooban oo xambaarsan micno weyn ka jeediyey duqa magaalada Luuq Mr Ibraahim Maxamed Nuur (Darbo), kaasi oo sheegay sida ay lagama maarmaan u tahay in ay reer Luuq u fahmaan in ay leeyihiin dugsiga iyaga oo aanan meel kale wax ka sugin loona baahanyahay in loo istaago hormarinta dugsiga iyo guud ahaan waxbarashada Luuq iyo nawaaxigeeda, waxuuna duqa hadalkiisii ku soo gabagabeeyey “WAXAAN MAANTA HELNAY FURSAD NAGA MAQNAYD 15kii SANO EE AYNU SOO DHAAFNAY LOONA BAAHANYAHAY IN LALA JAANQAADO GOBOLLADA DALKA”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *